Midowga Yurub oo beeniyay in markab ay iyaga leeyihiin uu ku qarxay xeebaha Soomaaliya

War qoraal ah oo ay barta Twitter-ka soo dhigeen howlgalka Midowga Yurub ee xeebaha dalka  Soomaaliya ayaa lagu beeniyay wararka sheegaya in markab dagaal ah oo ay iyaga leeyihiin uu ku qarxay deegaanka Murcaanyo oo ka tirsan degmada Caluula ee gobolka Bari.

Qaar ka mid ah warbaahinta caalamka ayaa habeenkii xalay baahiyay in qarax aad u xoogan laga dhex maqlay mid ka mid ah maraakiibta shisheeye ee ku sugan xeebaha dalka Soomaaliya.

“Waxaanu xaqiijinaynaa in wax shil ah uusan ka dhicin maraakiibtayda dagaalka ee illaalisa xeebaha Soomaaliya, dhammaan shaqaalaha maraakiibtayadu way bad-qabaan, wax dhib ahna ma jiraan” Sidaasi waxaa lagu yiri qoraalka howlgalka ciidamada Midowga Yurub ay soo dhigeen bartooda Twitter-ka.

Dhinaca kale, maamulka degmada Caluula ee gobolka Bari ayaa goor sii horeeysay xaqiijiyay in qarax aad u weyn laga maqlay markab taagnaa meel ku dhaw biyaha deegaanka Murcaanyo, kaas oo la rumeysan yahay inuu qarxay.

error: Content is protected !!