Faah faahin:- Dab xoogan oo ka dhacay suuqa degmada X/weyne ee magaalada Muqdisho

Dab aad u xoog badan oo loo maleeynayo inuu ka dhashay Koronto ayaa duhurnimadii maanta ka kacay suuqa weyn ee degmada X/weyne, kaas oo markii dambe lagu guuleystay in la damiyo.

Dabkaasi ayaa la sheegayaa inuu markiisi hore ka bilawday qeybta barxadda Yaasiin iyo kawaankii hore ee Malaayga, halkaas oo uu markii dambe kusii fiday qeybaha kale ee suuqaasi ku yaalla.

Ciidamada nabad-sugidda qaranka ee NISA ayaa gebi ahaan xiray suuqaasi, iyagoona dadaal weyn u galay sidii ay dabkaasi u damin lahaayeen.

Gaadiidka dab-damiska iyo kuwa shirkadaha ganacsiga oo markii dambe goobtaasi soo gaaray ayaa ku guuleystay inay damiyaan dabka, iyadoona xaaladda ay haatan tahay mid degan.

Illaa iyo haatan lama soo sheegin qasaare nafeed oo dabkaasi ka dhashay, marka laga reebo qasaaraha hantiyeed oo aan weli la cayimin inta uu la egyahay.

Sanadkaan horaantiisa ayay ahayd markii labo jeer oo is xig-xiga uu dab aad u xoog badan islamarkaana ay ku bur-bureen hanti malaayiin dollar gaareysa uu kacay suuqa weyn ee Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

error: Content is protected !!