Ra’iisul wasaare Kheyre oo xafiiskiisa ku qaabilay wasiirka arrimaha dibadda ee Norway (SAWIRO)

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wasiirka arrimaha dibadda Norway Børge Brende iyo wafdi uu horkacayo oo maanta booqasho ku yimid magaalada Muqdisho.

Labada dhinac ayaa kawada hadlay xiriirka u dhexeeya labada dal iyo taageerada Norway ee dib-u-dhiska Soomaaliya, waxana kullanka goob-joog ka ahaa wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya iyo wasiiru dawlaha xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa soo dhaweeyay sida ay dowladda Norway xilligan ugu heelan tahay inay gacan ka gaysato dadaallada lagu xasilinayo dalka iyo sidoo kale dhismaha dawladnimada Soomaaliya oo maraya meel aad muhiim u ah, wuxuna tilmaamay in guullo wax ku ool ah laga gaaray dhowrkii bilood ee la soo dhaafay arrimaha mudnaanta sare u leh dowladda.

“Booqashada uu noogu yimid wasiirka arrimaha dibadda Norway, waxay caddeynaysaa horumarka ballaaran ee la sameeyey afartii bilood ee lasoo dhaafay oo sii jiitay indhaha caalamka, waxaan isla soo qaadnay arrimo muhiim ah oo wax tar u leh dalkeena, iyaguna waxay qireen in Soomaaliya ay u heelan tahay sidii ay uga faaiideysan lahayd taageerada uu caalamku siiyo” Ayuu yiri ra’iisul wasaare Kheyre.

Wasiirka arrimaha dibadda Norway Børge Brende ayaa dhankiisa ka mahad-celiyey sidii wanaagsaneyd ee loogu soo dhoweeyay Soomaaliya iyo sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka labada dal, wuxuuna tilmaamay in Soomaaliya ay sameysay horumar baxaad leh 4tii bilood ee lasoo dhaafay, isla markaana loo baahan yahay in lasii adkeeyo, wuxuuna intaasi raaciyay in dalkiisu sii wadi doono taageerada dhinacyada kala duwan ee uu siiyo Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha amniga dib-u-heshiisiinta iyo dhismaha hay’adaha dowladda.

Dhanka kale, wasiirka arrimaha dibadda Norway ayaa kullan sharafeed la qaatay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo.

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Somalia
media@opm.gov.so
Ahmednur@opm.gov.so
Twitter: @SomaliPM

error: Content is protected !!