Kullanka guddiga amniga badaha Soomaaliya oo lagu qabtay magaalada Muqdisho (SAWIRO)

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa maalintii shalay shir guddoomiyay kullanka guddiga amniga badaha, kaas oo looga hadlaayay arrimo dhowr ah oo la xiriira badaheena.

Guddigaan ayaa waxaa loo sameeyey in xiriir joogto ah ay la yeeshaan hay’adaha kala duwan ee dowladda ee ka shaqeeya arrimaha badaha, waxaana kullanka kasoo qeyb galay wasaaradaha, arrimaha dibadda, amniga, maaliyadda, gaashaandhigga, kalluumeysiga, caddaaladda iyo xeer illaaliyaha Qaranka oo dood dheer ka yeeshay qodobadii laga hadlayay.

Wasiirka amniga Mudane Maxamed Abuukar Isloow (Ducaale) ayaa faah faahin ka bixiyay qaabka ugu haboon ee loo sugi karo amniga xeebaha dalkeena, isagoo tilmaamay muhiimadda ay leeyihiin ciidamada illaalada xeebaha oo hadda qorshuhu yahay in la hoos geeyo wasaaradda amniga, maadaama ay xiligii hore ay hoostagi jireen wasaaradda gaashaandhigga ciidamadani.

Wasiiirka kalluumaysiga iyo khayraadka badda dowladda federaalka Soomaaliya C/raxman Maxamed Cabdi Xaashi ayaa faah faahin ka bixiyay sida ay ku bilawdeen kuna dhamaadeen shirarkii looga hadlayay wadaagga kheyraadka dalka ee u dhexeeyay wasaaradda iyo wasaaradaha maamul gobolleedyada, gaar ahaan shir seddax cisho uga socday maamulada iyo wasaaradda oo arrimahaas looga hadlayay, wuxuna xusay in wasaaraddu ay joogteyn doonto wada xaajoodka u dhaxeeya labada dhinac si loo gaaro heshiis loo dhan yahay.

Ugu danbeyn, ra’iisul wasaaraha ayaa kula dar-daarmay guddiga in la sameeyo qorshe cad oo loo marayo arrimaha badaheena, isla markaana cid waliba oo quseeyso arrintani lala fariisto si qodobada ka soo baxaya shirarka u noqdaan kuwa leh aragti fog.

“Badda Soomaaliya waxay dhacdaa goob istaraatiiji ah oo muhimad weyn ugu fadhida caalamka, gaar ahaan marka laga hadlaayo ganacsiga, gaadiidka badda iyo siyaabo kale, waxaana dadka Soomaaliyeed idinka sugayaan inaad danahooda ka shaqeysaan oo tallaabo walba oo la qaadayo noqoto mid cad oo wax mugdi ah uusan ku jirin, dalkeenana loogana faa’iideeyo kheyraadkaas” Ayuu yiri ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre.

Kullanka ayaa waxaa sidoo kale ka hadlay wasiirka arrimaha dibadda Mudane Yuusuf Garaad Cumar iyo qaar kamid ah wasiiradda maamul goboleeyada qaar ee kullanka goob-joog ka ahaa oo dhamaantood ku dheeraaday muhiimadda uu dalkeena u leeyahay guddigani ka shaqeeynaya badaha Soomaaliya.

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Somalia
media@opm.gov.so
Ahmednur@opm.gov.so
Twitter: @SomaliPM

error: Content is protected !!