Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa maalintii shalay ka qeyb-qaatay ololaha nadaafada Muqdisho, kaas oo uu horay ugu dhawaaqay in bil kasta 29-keeda shaqaalaha dowladdu ay sidaan oo kale sameeyaan.
Ololahaan nadaafeed ayaa waxaa hore uga qeyb-qaatay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre, wuxuuna xilligaasi isku soo sawiray isagoo labisan dareeska ciidamada militeriga Soomaaliya islamarkaana ka qeyb-qaadanaya qashin aruurinta waddooyinka Muqdisho.
Dhinaca kale, madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaayo ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay si hagar la’aan ay iyagana uga qeyb-qaataan aruurinta qashinka, si loo helo dal nadiif ah.
Waa dowladii ugu horeeysay oo bishiiba hal mar u qoondeysa barnaamijka dib loogu soo nooleeynayo billicdii magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Sooamaliya, tan iyo markii ay dhacday dowladdii dhexe ee militeriga ahayd ee Soomaaliya.