Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya gobolka Bakool ayaa sheegaya in maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ay ciidamo aad u badan u direen deegaanka Abal, halkaas oo uu haatan ku sugan yahay Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur.
Deegaanka Abal oo qiyaastii 18km u jirta degmada Xudur ee gobolka Bakool ayaa la sheegayaa inay haatan hareeyeen dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab oo doonaya inay qaarajiyaan Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur.
Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa la sheegayaa inay ciidamo aad u badan maanta u direen deegaanka Abaal, si ay gacan u siiyaan Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo la filaayo in maleeshiyaadka isaga taageersan ay dagaal ku qaadaan dagaalyahanadda Al-shabaab.
Arrintaan ayaa la sheegayaa inay ka dambeysay, kadib markii dagaalyahano ka tirsan Xarakada Al-shabaab ay ku dhawaadeen saldhig uu Sheekh Roobow kaga sugan yahay degaanka Abaal oo qiyaastii 18km u jirta degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool.
Dowladda Mareykanka ayaa dhawaan shaacisay inay liiska argagaxisada ka saartay Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo ay hore lacag gaareysa 5 milyan doollar madaxiisa dul dhigtay.
Al-shabaab oo arrinkaasi dareen ka muujiyay ayaa haatan qorsheeynaya inay weerar qaarajin ah ku qaadaan Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur, oo hore uga tirsanaa madaxda sare ee Al-shabaab.
Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa ururka Al-shabaab isaga baxay, kadib markii uu khilaaf baahsan soo kala dhex-galay hoggaamiyihii hore ee Al-shabaab Axmed Cabdi Godane, kaas oo sanadkii 2014-ka lagu dilay duqeymo ay diyaaradaha Mareykanka ka geysteen deegaanka Haawaay ee gobolka Sh/hoose.