Halkuu ku dambeeyay mooshinka ay wadeen xildhibaano katirsan baarlamaanka Soomaaliya

Tiro aad u yar oo katirsan xildhibaanada baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa la sheegayaa in maalmihii ugu dambeysay ay ku mashquulsanaayeen diyaarinta mooshin ay ku doonayaan inay ka gudbiyaan xukuumadda uu hoggaaminaayo ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre.

Qorshaha diyaarinta mooshinkan oo ay wadaan xildhibaanadaasi ayaa la sheegay inay markii hore ka badnaayeen 50-xildhibaan, balse ay hada kala fur furmeen, waxaana jira xildhibaano dib uga laabtay go’ankii ay markii hore ku taageerayeen mooshinka.

Xildhibaano tiro yar ayaa lagu soo waramayaa in wali ay ku mashquulsan yihiin diyaarinta mooshinka ka dhan ah xukuumadda ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, walina ma aysan cadeeyn xildhibaanadaan waxa ay ku maageen xukuumada ayna mooshinka uga gudbinayaan.

Sidoo kale, waxaa jira mucaaradad xoogan ay xilligaan gudaha iyo dibadda kala kulmayaan xildhibaanada tirada yar ee mooshinka hor boodaya, waxaana suurto gal ah in xildhibaanadaan uu lasoo darso niyad jab ayna dib uga laabtaan mooshinkan aysan cadeyn uljeedkiisa .

Xildhibaanada mooshinka gadaal ka riixaya ayaa wali u muuqda kuwa is qarinaya oon saxaafada ka hor hadlin, waxaana Xildhibaanasan la sheegay in isugu jiraan kuwa damac siyaasadeed uu waalayo iyo sidoo kale kuwa dhaqaalo doon ah.

Dhinaca kale, shacabka Soomaaliyeed ayaa si weyn u taageersan xukuumadda uu haatan hoggaamiyo ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, waxaana xukuumadan lagu ammaanay in wax badan ay qabatay waqtiga yar e ee jirto, iyadoona looga fadhiyo in wax qabad intii hore ka badan ay bilaha soo socdo la timaado.

error: Content is protected !!