Labo nin oo ajaanib ah oo lagu dilay degmada Jilib ee gobolka J/dhexe

Wararka naga soo gaaraya degmada Jilib ee gobolka J/dhexe ayaa sheegaya in dagaalyahanadda Al-shabaab ay halkaasi ku dileen xubno ajanabi ah oo kooxdaasi hore uga tirsanaa.

Dagaalyahanadda Al-shabaab ayaa dilay labo nin oo asal ahaan kasoo jeeda dalka Hindiya, balse ka tirsanaa dagaalamayaasha Al-shabaab.

Labadaasi ayaa la sheegayaa inay Al-shabaab uga shakiyeen inay gacan-saar la leeyihiin sirdoonka Mareykanka. halka warar kale sheegayaan inay isku dayeen inay ku biiraan kooxda Daacish.

Xarakada Al-shabaab ayaa inta badan falal dil ah ku fuliya xubnaha ka tirsan ee isku daya inay ururro kale ku biiraan ama looga shakiyo inay xiriir la yeesheen sirdoonka dowladda Soomaaliya iyo dalalka kale.

error: Content is protected !!