Mahad Salaad oo shaki geliyay mooshinka laga keenay xukuumadda Soomaaliya

Wasiiru dowlihii madaxtooyada Soomaaliya ee xukuumadii hore islamarkaana ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka federaalka Soomaaliya Mahad Maxamed Salaad ayaa shaki ka muujiyay mooshin laga keenay xukuumadda ra’iisul wasaare Kheyre.

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo sidoo kale hore uga mid ahaa gacan-yareyaasha madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bartiisa Facebook-ga uu ku leeyahay waxa uu su’aalo badan iska weydiinyay mooshinkaasi, wuxuuna ku eedeeyay xukuumadda Kheyre inay iyada kaliya hadal hayso hadal-haynta mooshinkaasi.

Hoos ka aqriso qoraalka xildhibaan Mahad Salaad oo uu bartiisa Facebook-ga soo dhigay:-

WAA WAX TAARIIKHDA SOOMAALIYA KU CUSUB XUKUUMAD IYADU MOOSHIN ISKA KEENAYSA!!!

Sanadihii lasoo dhaafay waxaa dhagaha Soomaalida ku badnaa Xildhibaano Mooshin ka keenaya Xukuumad markaasi jirta sabab kastaba haka danbeysee!

Maalmahaan waxaa Magaalada Mogadishu ka shidan MOOSHIN XUKUUMADU IYADU ISKA KEENAYSO, sababtoo ah markii aan waraystay Xildhibaanada Golaha Shacabka wali la’iima sheegin Xildhibaano wada Mooshin Xukuumada Kheyre ka dhan ah!. Hadaba waxaa iga su’aal ah:

1. Ma Xildhibaano aan ahayn 276 Xildhibaan ee Golaha Shacabku ka kooban yahay ayaa jira oo Xukuumada Mooshin ka keeni kara?

2. Ma Xukuumada Kheyre ayaa isku og’ danbi ay ka gashay Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed oo inta danbigaasi kusoo baxo ayay ka baqeysaa in la rido?

3. Ma BARNAAMIJKII iyo BALANQAADYADII Ra’iisul Wasaaruhu ka horjeediyay Golaha Shacabka ayuu ku fashilmay, marka fashilkii Xukuumadiisa ayuu rabaa inuu Golaha Shacabka dusha uga tuuro?

4. Ma dagaal Xukuumadu u xayd-xaydaneyso oo ay rabto inay Golaha Shacabka ku qaado ayaa jira?

Su’aalahaas oo dhan waxaan rajeynaynaa in Ra’iisul Wasaaraha iyo Xukuumadiisu ka jaahil bixiyaan Golaha Shacbka marka uu furmo Kalfadhigiisa 8-da bishaan inshaa’allaah.

error: Content is protected !!