Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka oo booqday keydadka mucaawinooyinka raashinka (SAWIRO)

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya ahna ku-simaha ra’iisul wasaaraha Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo ay waheliyaan wasiirka cadaalada Xasan Xuseeen Xaaji, wasiir ku-xigeenka gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Xildhibaan Cilmi Cumar Ceynsane iyo guddiga abaaraha Soomaaliya ayaa si wadajir ah maanta u booqdey bakhaarada ay ku jiraan raashiin mucaawino ah oo ay ku deeqdey hay’adda Bisha Cas ee dalka Turkiga, taasoo loogu tala galay in la gaarsiiyo dadka ay abaaruhu saameeyeen.

Wasiir ku-xigeenka wasaarada gargaarka Cilmi Cumar Caynsane ayaa warbaahinta u sheegay in raashinkan oo dhan 12,500 oo tan kana kooban noocyo kala duwan, islamarkaana loogu tala galay in loo qaybiyo dadka Soomaaliyeed kuwooda ay saameenta xoogan ku yeelatay abaarihii dalka ka dhacay, qof walbana goobtiisa lagu gaarsiin doono.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa u mahad celiyay dowladda Turkiga sida ay u garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed mar walbana ay la qeyb sato xaaladaha adag sida abaaraha iyo dhibaatooyinka kale ee nolosha iyo amniga.

“Waxaa loo baahan yahay in shacabka Soomaaliyeed ay dhiri galiyaan waraabka beeraha, si loo abuuro noocyada kala duwan ee dalaga ka baxa dalkeena, taasoo noo sahlaysa inaan helno cunto aan anagu abuuranay ugana baxno baahida dowladaha shisheeye” Sidaas waxaa yiri ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar).

Ugu dambeyntii, ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa sheegay in si cadaalad ah loo qeybin doono raashinkaan, waxuuna tilmaamay in shaqadaan ay si wadajir ah u maamuli doonaan madaxda wasaarada gargaarka iyo guddiga abaaraha Qaran.

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Somalia
media@opm.gov.so
Ahmednur@opm.gov.so
Twitter: @SomaliPM

error: Content is protected !!