Dad banaanbax ka dhigaayay magaalada Muqdisho oo rasaas lagu kala eryay

Banaanbax aad u ballaran ayaa maanta ka dhacay Taaladda Daljirka Daahsoon ee magaalada Muqdisho, kaas oo ay dhigayeen dadweyne ka cabanayay amar kasoo baxay taliska ciidamada militeriga Soomaaliya.

Amarkaas ayaa ahaa mid ku saabsan in dadka degan xarumaha ciidamada militeriga ee Muqdisho ay sida ugu dhaqsiyaha badan uga guuraan, taas oo keentay inay dad badan oo degan xarumahaasi ay arrinkaasi cabasho ka muujiyaan.

Dadka banaanbaxa dhigaayay ayaa ku dhawaaqayay ereyo ka dhan ah madaxweyne Farmaajo, iyagoo is- weydiiyay in ballan-qaadkii FARMAAJO uu isku badalay barakicin, waxaana markii danbe dadkaasi kala eryay ciidamada dowladda oo rasaas ku furay.

Xeryaha ciidamada iyo dhulka dowladda Soomaaliya ee ku yaalla xaafadda Shiirkole iyo Tarabuunka ayaa waxaa haatan degan dad aad u badan islamarkaana in muddo ah halkaasi deganaa, waxaana maalmihii ugu dambeeysay socday ogeysiis dadkaasi loogu sheegayay inay xarumahaasi isaga guuraan.

error: Content is protected !!