Faah faahin:- C/risaaq Yuusuf Bahlaawi oo ka bad-baaday qarax miino ee lagu qaarijin lahaa

Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa qarax habeenkii xalay lala beegsaday gaari uu la socday aggaasimihii hore ee wasaaradda warfaafinta ee xukuumadda federaalka Soomaaliya C/risaaq Yuusuf Bahlaawi.

Qaraxaasi oo ka dhacay xaafadda Taleex ee degmada Hodon ee magaalada Muqdisho ayaaa ahaa miino lagu aasay wadada dhinaceeda, waxaana waxyeelo kasoo gaartay aggaasimihii hore ee wasaaradda warfaafinta C/risaaq Bahlaawi iyo sidoo kale darawalkii gaariga waday.

C/risaaq Bahlaawi ayaa la sheegayaa inuu dhaawaciisa yahay mid fudud, wuxuuna ka dhaawacmay dhinaca garabka.

Dhawaan ayay ahayd markii C/risaaq Bahlaawi xilka laga qaaday, kadib markii ay kusoo baxday xisaab xil ma leh iyo arrimo masuq-maasuq ah.

Inta badan qaraxyada ceynkaan oo kale ayaa si joogto ah uga dhaca magaalada Muqdisho gaar ahaan xaafadda Taleex ee degmada Hodon, halkaasoo marar badan lagu beegsaday mas’uuliyiin iyo xildhibaano ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.

Maalintii shalay ayay ahayd markii dhowr hoobiye lagu weeraray xarunta madaxtooyadda Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho, waxaana mid ka mid ah hoobiyaashaasi ku dhintay 1 askari, iyadoona seddax qof oo kale ay ku dhaawacantay.

error: Content is protected !!