Madaxweyne Farmaajo oo maanta furi doonno shirka golaha amniga Qaranka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in maanta oo Arbaco ah uu magaalada Muqdisho ka furo shir u dhaxeeya madaxda maamul goboleedyada dalka iyo dowladda federaalka Soomaaliya.

Shirkaan ayaa sida la sheegay looga hadli doonnaa arrimaha amniga Qaranka, isku dhafka ciidanka Soomaaliya ee la isku raacay in lagu bilaabo 18 kun oo askari iyo arrimo kale oo aad u badan, waxaana madaxda kale ee shirkaasi kasoo qeyb-galeysa ka mid ah ergooyin ka socda beesha caalamka.

Dhinaca kale, shirkaan ayaa daba-socdo shirkii bisha April ee sanadkaan ka dhacay Muqdisho, kaas oo xilligaasi lagu dhisay gole loogu magac-daray golaha amniga Qaranka islamarkaana uu guddoomiye ka yahay madaxweyne Farmaajo.

Shirka maanta ka furmaya magaalada Muqdisho ayaa socon doona muddo labo maalmood ah, waxaana markii uu soo gaba-gaboobo laga soo saari doonnaa war-murtiyeed lagu faah-faahinaayo waxyaabihii looga hadlay iyo qodobadii la isku af-gartay.

error: Content is protected !!