Ra’iisul wasaare Kheyre oo kullan la yeeshay wasiirka arrimaha dibada ee Sucuudiga (SAWIRO)

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya kula kulmay wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Sacuudiga Caadil Al-Jubeyr.

Kullankaasi oo daba-socday kullan ay magaalada Addis Ababa ku yeesheen madaxda Midowga Afrika ayaan si rasmi ah loo ogeyn waxyaabihii ay labada dhinac isku afgarteen.

Sarkaal ka tirsan xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa warbaahinta Bulshoweyn u xaqiijiyay in labadaasi mas’uul ay kullankooda uga wada hadleen xoojinta xariirka labada dhinac iyo xaaladda ka taagan dalalka Khaliijka iyo Qadar.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre oo warbaahinta si kooban ula hadlay ayaa sheegay inuu fursad u helay wadahadal qoto dheer inuu la qaato wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Sucuudiga Caadil Al-Jubeyr, balse ma sheegin waxyaabaha ay kullankooda uga wada-hadleen.

Dhinaca kale, warar hoose oo ay heleeyso warbaahinta Bulshoweyn ayaa sheegaya in kullankaasi uu ahaa mid xasaasi ah islamarkaana lagu soo qaaday arrinta ay dalalka Sucuudiga, Imaaraadka iyo Baxreyn ku go’doomiyeen dalka Qadar, iyadoona arrintaan ay Soomaaliya dhex-dhexaad ka noqotay.

Dowladda Sucuudi Carabiya ayaa shirka Midowga Afrika u dirtay wafdi heer sare ah oo uu horkacaayo wasiirkooda arrimaha dibadda Caadil Al-Jubeyr, si ay madaxda Afrika uga dhaadhiciyaan mowqifkooda, waxaana la sheegay in dalal ay Soomaaliya ka mid tahay uu Sucuudiga doonayo inay xiriirka u jaraan dalka Qadar.

error: Content is protected !!