Wafdi uu hoggaaminaayo ra’iisul wasaare Kheyre oo dib ugu soo laabtay Muqdisho

Wafdi uu hoggaaminaayo ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.

Ra’iisul wasaare Kheyre iyo wafdigiisa oo ka qeyb galay shirkii hoggaamiyaasha Midowga Afrika oo ka dhacay magaalada Addis Ababa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Shirka magaalada Addis Ababa ayaa uljeedkiisu ahaa in la maal-geliyo dhalinyarada ku nool qaaradda Afrika, si ay u noqdaan dhalinyaro wax soo saar leh, iyo sidoo kale¬†sidii looga hortagi lahaa kooxaha xagjirka ah inay ka faa’iideystaan dhalinyarada shaqo la’aantu hayso.

Sidoo kale, waxaa shirka warbixin looga dhageystay madaxweynaha Rwanda Paul Kagame, kaas oo uu kaga waramayay sidii dib u habeyn loogu sameyn lahaa Midowga Afrika.

 

Ra’iisul wasaare Kheyre oo si kooban uga hadlay shirkaasi ka dhacay magaalada Addis Ababa ayaa sheegay inuu guul kusoo dhamaaday, isagoona dhinac kale tilmaamay in dowladiisa ay ka shaqeeneyso dhisidda ciidan qaran oo difaaca dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Wafdiga ra’iisul wasaare Kheyre ayaa waxaa ka mid ahaa wasiirka arrimaha dibadda Yuusuf Garaad Cumar iyo xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya, waxayna dhammaan dib ugu soo laabteen magaalada Muqdisho.

error: Content is protected !!