Faah faahin:- Nabadoon caan ah oo caawa lagu dilay duuleedka magaalada Muqdisho

Waxaa faah faahin dheeraad laga helayaa dil caawa duuleedka magaalada Muqdisho loogu geystay nin nabadoon ah oo lagu magacaabi jiray C/laahi Axmed Weeydow.

Dilka nabadoonka ayaa waxaa ka dambeeyay kooxo ku hubeysan bistoolado islamarkaana watay gaari nooca raaxadda ah.

Marxuumka la dilay ayaa la sheegayaa inuu ka mid ahaa nabadoonada caanka ah ee ku nool duuleedka Muqdisho, waxaana kooxihii dilka geystay la sheegayaa inay islamarkiiba goobta isaga baxsadeen.

Dilka kadib, waxaa goobtaasi soo gaaray ciidamo ka tirsan kuwa nabad-sugidda ee NISA, waxaana ay halkaasi ka sameeyeen howlgallo baaritaano ah, balse ma jirto cid ay howlgalkaasi lagu soo qab-qabtay.

Illaa iyo haatan ma jirto cid sheegatay mas’uuliyada dilka loo geystay Allaha u naxariistee nabadoon C/laahi Axmed Weeydow.

Tan iyo markii la doortay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo waxaa magaalada Muqdisho kusoo batay beegsiga lagu haayo nabadoonada, waxgaradka iyo siyaasiyiinta ka tirsan dowladda Soomaaliya.

error: Content is protected !!