Mareykanka oo digniin kasoo saaray khilaafka siyaasadeed ee dalalka Khaliijka iyo Qadar

Dowladda Mareykanka ayaa digniin culus kasoo saaray khilaafka siyaasadeed ee ka dhex taagan dalalka Khaliijka iyo Qadar, iyadoo sheegtay in xaaladu ay gaartay is mari waa meeshii ugu darneed ebed.

Afhayeenadda waaxda arrimaha dibadda Mareykanka Heather Nauert ayaa sheegtay in xiisada ka taagan dalalka Khaliijka iyo Qadar ay ku sugan tahay xaalad la is mari waayay, taasoo keeni karto inay sii socoto toddobaadyo iyo weliba bilooyin.

Sidoo kale, afhayeenadda ayaa sheegtay in Mareykanka uu aaminsan yahay in xaaladda ay adag tahay, inkastoo aanay sheegin waxa kusoo kordhi kara khilaafka ka dhex taagan dalalka Sacuudiga, Imaaraadka, Baxreyn iyo Masar oo dhinac kasoo jeeda iyo Qadar oo dhinaca kale ah.

Dhinaca kale, waxay afhayeenadda sheegtay in xoghayaha dibadda Mareykanka Rex Tillerson uu xiriir dhow la leeyahay dalalka ay quseeyso arrintaan, isla markaana isha ku heyn doonno.

error: Content is protected !!