Prof. Jawaari oo kullan xasaasi ah la yeeshay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya

Guddoomiyaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo maalintii shalay dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ayaa isla xalay kullan la qaatay xildhibaanada labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya.

Kullankaasi oo ahaa mid xog wareeysi ah ayaa waxaa looga hadlay shaqooyinka adag ee horyaalla xubnaha golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.

Xoghayaha guud ee baarlamaanka Soomaaliya C/kariin Buux oo kullanka kadib la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in maalinta berito oo ay taariiqdu ku beegan tahay 8-da bisha July uu Muqdisho ka furmi doono kullanka baarlamaanka Soomaaliya islamarkaana bulshada Soomaaliyeed ay si toos ah ugala socon doonaan Tv-yada iyo idaacaddaha.

Sida uu dastuurka dalka qabo, kullanka baarlamaanka ayaa la filayaa inuu furo madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo, waxaana markii uu soo gaba-gaboobo kullankaasi laga soo saari doonnaa natiijo wax ku ool ah.

error: Content is protected !!