Guddoomiye Thaabit Cabdi oo ciidamo u diray beerta Nabadda iyo xiisad halkaasi ka taagan

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed ayaa la sheegayaa inuu haatan ku dhaqaaqay tallaabo adag uu ku fullinaayo amar uu dhawaan kasoo saaray Beerta Nabada.

Guddoomiye Thaabit ayaa amarka uu kasoo saaray beerta Nabadda ahayd in dadka booqanaaya beertaasi ay si lacag la’aan ah ku galaan, balse ay arrinkaasi si weyn uga soo horjeesteen ganacsatada beertaas.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir C/fataax Cumar Xalane oo goordhaw la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in ciidamada booliska iyo kuwa nabadsugidda gobolka Banaadir loo xilsaaray fullinta amarkaasi kasoo baxay guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Maamulka beerta Nabadda ayaa maalintii shalay iska diiday amarka guddoomiyaha gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed, waxayna ganacsatadaasi sheegeen inay maxkamad la tiigsan doonaan guddoomiyaha.

Dad badan oo maalintii shalay rabay inay beertaasi si lacag la’aan ah ku galaan ayaa ku hungoobay, waxaana haatan beertaasi ka taagan xiisad kacsanaan ah.

Illaa iyo haatan lama oga sida uu xaalka ku dambeyn doonno, waxaana guddoomiye Thaabit Cabdi la sheegaa inuu yahay shaqi si weyn ugu dhaw madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo.

error: Content is protected !!