Al-shabaab oo weerar gaadmo ah ku dishay 4 ka mid ahaa illaalada guddoomiyaha degmada Halgan

Dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ayaa weerar gaadmo ah ku dilay illaa 4 askari oo la sheegay inay ka tirsanaayeen illaalada guddoomiyaha degmada Halgan ee gobolka Hiiraan Guhaad Cabdi Warsame.

Afartaasi askari ayaa la sheegayaa in lagu dilay deegaanka Cabdi Cagweyn oo ka tirsan degmada Halgan.

Sarkaal ka tirsan dowladda Soomaaliya oo aynu goordhaw qadka teleefanka kula xiriirnay ayaa inoo xaqiijiyay dilka afartaasi askari, wuxuuna sheegay in kooxihii dilka ka dambeeysay ay baxsadeen.

Goobta uu dilka ka dhacay ayaa waxaa markii dambe soo gaaray ciidamo kale oo ka tirsan illaalada guddoomiyaha degmada Halgan, iyagoona markii dambe goobtaasi ka qaaday meydadka afarta askari ee la dilay.

Dhinaca kale, xiriir aan la sameeynay gudoomiyaha degmada Halgan Guhaad Cabdi Warsame ayaa inoo suurta-galin inaan helno.

Si kastaba ha ahaatee, inta badan dagaalyahanadda Al-shabaab ayaa weeraro gaadmo ah ku qaada askarta ka tirsan dowladda Soomaaliya ee ku kala sugan deegaanada ku yaalla gobolka Hiiraan, waxaana weerarkaasi inta badan ka dhasha qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

error: Content is protected !!