DEG DEG:- Ra’ila Odinga oo caawa loola cararay isbitaal ku yaalla magaalada Mombasa

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka dalka Kenya, haatanna ah musharax madaxweyne ee dalkaasi Mr. Raila Odinga ayaa la sheegay in caawa si deg deg loola cararay Isbitaal ku yaalla magaalada Mombasa ee dalka Kenya, kadib markii xaaladiisa caafimaad ay noqotay mid halis ah.

Mr. Raila Odinga oo hore usoo noqday ra’iisul wasaaraha dalka Kenya, ayaa la sheegayaa in caawa la dhigay isbitaalka magaalada Mombasa, waxaana jiro tuhuno ah in cunto sumeysan la siiyay.

Warbaahinta Kenya ayaa goor sii horeeysay shaacisay in xaaladda caafimaad ee Raila Odinga haatan baaritaan lagu haayo, islamarkaana dib laga soo sheegi doonno.

Raila Odinga ayaa la sheegayaa in xaaladiisa caafimaad halmar lagu soo booday, kadib markii uu khudbad ka jeediyay isku soo bax ku saabsan doorashada dalka Kenya oo ka dhacay deegaanka Kilifi.

Arrintaan ayaa kusoo beegmaysa xilli habeenkii Sabtida soo galeeysay isbitaal ku yaalla magaalada Nairobi uu si lama filaan ah ugu geeriyooday wasiirkii amniga Kenya Joseph Nkasery, kadib markii uu halkaasi u aaday si uu baaritaan guud isugu soo sameeyo.

error: Content is protected !!