Faah faahin:- Nin oday ah oo caawa lagu dilay xaafadda Xamar Bile ee degmada Wardhiigley

Koox hubeysan ayaa caawa agagaarka saldhiga booliska ee degmada Wardhiigley ku dishay nin magaciisa lagu sheegay Saciid Kaarshe.

Allaha u naxariistee Saciid Kaarshe ayaa la sheegayaa in lagu dilay xilli uu ku sugnaa maqaaxi shaahi laga cabo oo ku taallo xaafadda Xamar Bile ee degmada Wardhiigley.

Kooxaha dilka u geystay Marxuum Saciid Kaarshe oo la sheegay inay ku hubeysnaayeen bistoolado ayaa dilka kadib goobtaasi isaga baxsaday.

Ciidamo ka tirsan nabad sugidda ee NISA oo markii dambe gaaray goobta uu dilka ka dhacay ayaa howlgalo baaritaano ah halkaasi ka bilaabay, iyagoona sidoo kale halkaasi ka qaaday meydka marxuumka.

Maamulka degmada Wardhiigley oo goordhaw la hadlay warbaahinta Bulshoweyn ayaa u sheegay in ciidanka nabad sugidda ee NISA ay weli ku daba-jiraan raggii ka dambeeyay falka dilka ah, dibne ay faah faahin kasoo bixin doonaan.

Illaa iyo haatan lama oga cidda ka dambeysay ama loo soo qabtay dilkaasi loo geystay Allaha u naxariistee Saciid Kaarshe, balse dilalka ceynkaan oo kale ah ayaa inta badan waxaa sheegta Al-shabaab.

Si kastaba ha ahaatee, ma ahan markii ugu horeeysay oo nin Oday ah lagu dilo magaalada Muqdisho, wuxuuna dilkaan kusoo beegmayaa xilli Al-shabaab ay muddooyinkii ugu dambeysay kordhiyeen falalka khaarijinta ah oo ay ku haayaan nabadoonada, waxgaradka iyo mas’uuliyiinta ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!