Madaxweyne Farmaajo oo magacaabay guddiga madaxa banaan ee taakuleynta ciidamada

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa magacaabay guddi maamula sanduuqa taakuleynta ciidamada Soomaaliyeed.

Sanduuqaan oo ah mid madax-banaan ayaa waxa uu madaxwaynuhu u magacaabay guddoomiye Mudane Janeraal Jaamac Maxamed Qaalib, waxaana guddoomiye ku-xigeen loo magacaabay Sheekh Nuur Baaruud Gurxan.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay munaasabadda daahfurka sanduuqa taakulaynta ciidamada ayaa yiri “Maanta waa maalin baal dahab ah ka galaysa taariikhda ummadda Soomaaliyeed maxaa yeelay waxay tilmaamaysaa wada jirka Shacabka Soomaaliyeed iyo ciidanka, wadajirka dowladda iyo shacabka,”

Madaxwaynaha Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa ummadda Soomaaliyeed u diray baaq ku aadan taakuleynta iyo taageerada ciidamada qaranka, si ay dib ugu soo laabato sharafta muwaadinka Soomaaliyeed.

“Difaaca dalka ma ahan mas’uuliyad u gaar ah ciidamada oo kaliya, waa mas’uuliyadda u taalla qof kasta oo Soomaali ah, hadii aad doonaysaan inaad ku noolaataan dal sharaf leh.” Ayuu madaxweynuhu hadalkiisa raaciyay.

Dhinaca kale, madaxwayne Farmaajo ayaa xusay geesiyaasha ciidamada qaranka ee dadaalka dheer u galay sidii ay dalka oo idil uga xoreyn lahaayeen Al-shabaab, isagoo faray shacabka Soomaaliyeed inay ciidamada gacan ku siiyaan, sidii loo cirib tiri lahaa kooxdaan.

-DHAMMAAD-

error: Content is protected !!