Ra’iisul wasaare Kheyre “Maanta waxaan nahay dal dhan oo aan lahayn ciidan dhisan..” (SAWIRO)

Madaxda ugu sareeysa dalka ayaa si wadajir ah uga qeyb qaatay barnaamij lagu taageerayey ciidanka Qaranka Soomaaliyeed oo soo qaban-qaabiyey xafiiska ra’iisul wasaaraha, islamarkaana dhaqaale loogu uruurinayey ciidamada qalabka-sida.

Munaasabadda ayaa waxaa ka hadlay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo, ra’iisul wasaaraha xukuumadda Mudane Xasan Cali Kheyre, guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi C/laahi iyo mas’uuliyiin kale, waxayna dhamaantood qireen sida ay lagama maarmaan u tahay in bulshada Soomaaliyeed ay gacantooda ku dhistaan ciidamadda qaranka, si looga baxo baahida uu dalkeenu u qabo ciidan difaaciisa u taagan.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyey munaasabadda ayaa tilmaamay in maanta ay tahay maalin qaali ah oo dadkeenu ka shaqeynayaan dhismaha ciidankooda, isagoo soo xiganaya taariikhda ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayuu ra’iisul wasaaruhu sheegay in ciidamada Afrika ugu tayada iyo tirada fiican ay kamid ahaayeen ciidankeenu, hadana wadajir iyo isku tashi lagu gaari karo in dib loo yagleelo ciidamadaasi.

“Ciidankeenu wuxuu lahaa cudud adag, wuxuu lahaa tababar fiican, wuxuu lahaa niyad fiican, wuxuu lahaa waxyaabo aanay laheyn ciidamada afirika oo ah geesinimo iyo dhiiranaan adag oo ilaalhay siiyey, wuxuu kaalin ka geystay olohihii hirgelinta Af-soomaaliga ee sanadkii 1974-kii, sidoo kale waxay gurmad u fidiyeen dadkii ay ku dhacday abaartii dabadheer oo ciidankeenu muujiyey qiimaha ay shacabkiisu leeyihiin” Ayuu yiri ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre.

Sidoo kale, ra’iisul wasaaraha oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Maanta waxaan nahay dal dhan oo aan lahayn ciidan dhisan oo haduu cadowgu kusoo duulo markuu rabo qabsan karo, waxaanu nahay dal idil oo difaaciisa cirka, badda iyo berigaba ay ka dayacan yihiin. Calanku ma taagnaan karo oo cirka kama babban karo haddaanu ciidan ku tiirsanayn, kalsoonida bulshadu ma dhismayso hadii ayan ku hurdin ciidan difaaca, cadowgu masoo hunguriyey-sanayo ciidda dal leh ciidan daryeelan oo cudud iyo tayo leh.”

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in ummadi aysan gaari karin midnimo iyo horumar hadii aanay laheyn ciidan ay u baxsato waqtiyada adag, isla markaana uusan dal nabadgelyo iyo xasillooni sugan ku naaloon karin hadii aanu lahayn ciidan heegan ah, sida kaliya ee dhibkaas looga bixi karana ay tahay isku tashi, dhamaanteena loo baahan yahay inaan u istaagno dhismaha ciidankeena, si aan ula tartanno wadamada nalamidka ah, wuxuna ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in lagu taageero ciidanka qof walba wixii uu awoodo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo oo gunaanadkii munaasabada ka hadlay ayaa ugu baaqay bulshoweynta Soomaaliyeed inay kasoo qeyb qaataan dhismaha ciidanka qaranka, wuxuuna hoosta ka xariiqay in dhaqaalaha ay soo uruuriyaan uu geli doono gacan aamin ah oo gaarsiin doonta ciidamadda u taagan difaaca dalkooda.

Dhinaca kale, madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa digreeto ku magacaabay guddiga taakuleynta ciidamada Qaranka, kuwaas oo madax u yihiin dad bulshada dhexdeeda sumcad ku leh, la aamini karo, islamarkaana horey loo tijaabiyay.

Munaasabadda ayaa intii ay socotay waxaa lagu soo bandhigay dad Soomaaliyeed oo dhaqaale ugu yaboohay difaaca dalkooda, waxana hadallo ka jeediyey xafladda intii ay socotay guddoomiyaha gobolka Banaadir, culimo’udiin, saraakiil iyo haween Soomaaliyeed oo dhamaantood ku dheeraaday taageerada ay u baahan yihiin ciidanka qaranku iyo in arrintaas meel looga soo wadajeesto, iyadoo fannaaniinta qurba-joogtu ay soo bandhigeen heeso ka turjumayey munaasabadda.

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Somalia
media@opm.gov.so
Ahmednur@opm.gov.so
Twitter: @SomaliPM

error: Content is protected !!