Faah faahin:- Weerar lagu qaaday saldhiga ciidamada booliska ee degmada Yaaqshiid

Waxaa faah faahin dheeraad ah kasoo baxasaa weerar bambaano oo habeenkii xalay lagu qaaday saldhiga ciidamada booliska ee degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho, kaas oo geystay qasaare kala duwan, sida ay inoo xaqiijiyeen dad goob-joogayaal ah.

Weerarkaasi ayaa la sheegayaa inay ku dhaawacantay 2 askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya.

Ciidamada dowladda oo howlgalo baaritaano ah halkaasi ka sameeyay ayaa kusoo qab-qabtay dad u badan dhalinyaro, kuwaas oo looga shakiyay inay weerarkaasi ka dambeeyeen.

Dhinaca kale, xiriiro kala duwan oo aynu la sameeynay maamulka degmada Yaaqshiid ee dowladda Soomaaliya, si aynu wax uga weeydiino weerarkaasi Bambaano ayaa inoo suurto-galin.

Ma ahan markii ugu horeeysay oo weerar ceynkaan oo kale lagu qaado saldhig ciidan oo ku yaalla qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Si kastaba ha ahaatee, weerarkaan ayaa imaanaya xilli maalmihii ugu dambeysay ammaanka degmooyinka magaalada Muqdisho si weyn loo adkeeyay , waxaana waddooyinka iyo jidcadayaasha qaarkood la dhigay ciidamo badan oo howlgalo ka wada goobahaas.

error: Content is protected !!