Shirka amniga oo lasoo gaba-gabeeyay iyo qodobo xasaasi ah oo laga soo saaray (SAWIRO)

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya lagu soo gaba-gabeeyay shirka golaha amniga Qaranka oo ay yeelanayaan madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada dalka.

Shirkaasi oo muddo labo maalmood ah hakad galay ayaa furmay 5-tii bishaan aynu ku jirno, wuxuuna socday muddo seddax maalmood ah, iyadoona maanta lasoo gaba-gabeeyay.

Qodobada shirkaasi looga hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa amniga dalka iyo arrimo kale oo dhowr ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo oo markii hore shirkaasi furay 5-tii bishaan ayaa maanta ku wareejiyay inuu shir guddoomiyo ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre.

Aggaasimaha warfaafinta xarunta madaxtooyada Soomaaliya C/nuur Maxamed Axmed ayaa sheegay in shirkaan uu daba socda shir bartamahii bisha April lagu qabtay xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

Wasiirka gaashaandhiga ee xukuumadda federaalka Soomaaliya C/rashiid Maxamed C/laahi oo war-murtiyeedka shirkaasi warbaahinta u aqriyay ayaa faah-faahiyay qodobadii kasoo baxay shirkaasi.

Qodobadaasi ayaa waxaa ka mid ahaa in la sameeyo guddi farsamo oo ka shaqeeya dhameystirka qaab dhismeedka amniga Qaranka oo ay ku jiraan qaab-dhismeedka ciidamada nabadsugidda, booliska iyo ciidanka asluubta.

Guddiga la magacaabi doonno ayaa ka kala imaan doonna dowladda federaalka, maamul goboleedyadda dalka iyo gobolka Banaadir.

Sidoo kale waxaa ugu mihiimsanaa Qodobada Shirka in siwadjir ah looga wada qeyb qaato dagaalka lagula jiro Al-Shabaab taasina ay muhiim u tahay dalka oo dhan.

Qodobada kale ee shirka ugu muhiimsan ayaa waxaa ka mid ahaa in si wadajir ah looga qeyb qaato dagaalka lagula jiro Al-shabaab, taasina ay muhiim u tahay dalka oo dhan.

Ugu dambeyntii, golaha amniga qaranka ayaa si wadajir ah isku raacay in seddaxdii biloodba mar ay kulmaan.

HOOS KA AQRISO WAR-MURTIYEEDKA SHIRKA

1. Golaha Amniga Qaranka ayaa kulan kuyeeshay magaalada Muqdisho intii u dhaxeysay 5ta ilaa 10ka bisha Luulyo, 2017.

2. Kulanka waxaa shir-guddoominayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, waxaana ka soo qeyb galay Ra’iisul Wassaraada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada Puntland Mudane Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Koonfur Galbeed Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan, Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle, Hirshabelle, Mudane Cali Cabdullaahi Cosoble, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Thaabit Cabdi Maxamed, Wasiirrada Caddaaladda, Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Gaashaandhigga, Amniga Gudaha, Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida iyo La Taliyaha Amniga Qaranka.

3. Golaha Amniga Qaranka waxa uu bogaadiyay shaqada wanaagsan ee ay dowladda dhexe ka qabatay arrimaha amniga sida xasilinta caasimadda, siyaasadda iyo xoojinta xiriirka ka dhaxeeya dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada.

4. Keddib markii uu Goluhu qiimeeyay xaaladaha amni ee ka jira dalka, waxay isla garteen in la xoojiyo dagaalka lagula jiro kooxaha nabaddiidka ah, meelna looga soo wadajeesto cid kasta oo ku taageerta dhaqaale, gabbaad ama faafineysa afkaardooda gurracan.

5. Golahu, markiiuu dib u eegay Heshiiskii Amni ee Bishii 16-17 Abriil, 2017, uuna dhageystay talooyinkii ay soo jeediyeen Guddi hoosaadyada Difaaca iyo Amniga ee Golaha Shacabka, tixgeliyeyna aragtiyada kala duwan ee bulshada, waxaa talooyinkaas lagu biiriyay Qorshaha Amniga Qaranka.

6. Golahu, waxaa kale oo uu ku heshiiyay sameynta guddi farsamo oo ka shaqeeya dhameystirka Qaab dhismeedka Amniga Qaranka oo ay ku jiraan qaab-dhismeedka Ciidamada Nabadsugidda, Booliska, iyo ciidanka Asluubta. Guddidaas waxa uu ka kala imaandoonaa Dawladda Federaalka, Dawlad-goboleedyada iyo Gobolka Benaadir.

7. Golaha oo garowsan baahida loo qabo in siyaasad mideysan laga yeesho horumarinta nidaamka federaalka, dib-u-eegista dastuurka iyo doorashooyinka qof iyo cod ee 2020ka, waxay ku heshiiyeen in taabo gelinta qodobadaas loo maro hannaan ku salaysan wadatashi joogto ah oo 3dii biloodba mar ah.

8. Golahu waxa uu iskuraacay in sharciga lagu dhisayo Golaha Amniga Qaranka la horgeeyo Golaha Shacabka si waafaqsan Qodobka 111, Faqrada (h) ee Dastuurka KMG.

9. Golahu, waxa uu meelmariyay xeerka anshaxa ee kulamadooda iyo Fulinta Qorshaha Amniga Qaranka.

10. Ugu dambeyntii, Kulanka Golaha Amniga Qaranka wuxuu dhici doonaa saddexdii biloodba mar.

Wabillaahi Towfiiq

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta ee Madaxtooyada 
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya 
E-mail: media@presidency.gov.so 
www.villasomalia.gov.so

error: Content is protected !!