Xildhibaan Axmed Fiqi oo si kulul uga hadlay hadal dhawaan kasoo yeeray Sheekh Nuur Baaruud Gurxan

Taliyihii hore ee ciidamada Nabad Sugidda Qaranka ee NISA Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa si kulul u cambaareeyay hadal dhawaan kasoo yeeray Sheekh Nuur Baaruud Gurxan, kaas oo ku saabsanaa xildhibaanada mooshinka ka wada xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Xildhibaan Axmed Fiqi ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga ku sheegay in hadalka Sheekh Nuur Baaruud Gurxan uu yahay mid hanjabaad toos ah oo halis galin kara nolosha xildhibaanada baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

“Hadalkii Sheekh Nuur Baaruud habeen dhaweyd uu ka yiri akadeemiyadda Booliska ee isugu jiray kicinta, goodinta, nacayb abuurka iyo xaalad aan jirin abuurka kuna wajahnaa xildhibaanada labada gole ee dowladda federaalka ah, wuxuu ahaa hadal gef ku ah barlamaanka dawladda federaalka ah, dastuurka dalka islamarkaana halis galinaya xasiloonida siyaasadeed ee dalka iyo tan xildhibaanada” Sidaas waxaa yiri xildhibaan Axmed Macalin Fiqi

Sidoo kale, xildhibaan Axmed Fiqi ayaa tilmaamay in wax laga xumaado ay tahay in xilliga uu Sheekh Nuur Baaruud Gurxan hadalkaasi sheegayay ay goob-joog ahaayeen madaxda sare ee dalka, islamarkaana aanay wax jawaab oo fal celin ah arrintaas ka dhihin.

“Waxaa wax laga xumaado ah in madaxda sare ee dalku ay goobta waxaasi ka dhacayeen fadhiyeen ayagoon wax fal celin ah arintaas ka dhihin, ayadoo arintaasi aheyd hanjabaado toos ah oo halis galin kara nolosha xildhibaanada barlamaanka” Ayuu xildhibaanku hadalkiisa raaciyay.

Dhinaca kale, xildhibaan Axmed Fiqi ayaa ugu baaqay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo inuu jawaab deg deg ah ka bixiyo hadalka gefka ahaa ee Sheekh Nuur Baaruud Gurxan, maadaama uu yahay illaaliyaha dastuurka, hadda kadibna uusan marqaati ka noqon meel loogu gefaayo hay’addaha dowladnimada ku taagan tahay, sida Baarlamaanka.

Ugu dambeyntii, Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in hadalka Sheekh Nuur Baaruud aanay aheyn mid ku qotoma arrin jirta, islamarkaana uu ahaa mid mala-awaal iyo buun buunin been ah oo ay abuureen kooxo dowladnimada diidan, sida uu hadalka u dhigayee.

“Hadalka Sheekhu ma ahayn mid ku qotoma arrin jirta, wuxuu ahaa mala-awaal iyo buunbuunin been kooxo dawladnimada diidan ay abuureen, Barlamaanka Dawladda Federaalka waa mid ka mid ah hey’adaha saddexda ah ee dawladda waana saldhigga dawladnimada, cidda hey’adaha dawladda midna soo dhoweysata midna diida waa cid ka soo horjeeda dawladnimada, waana kuwo maslaxadooda gaarka ah doonaya in ay fushadaan” Ayuu yiri Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi.

error: Content is protected !!