Madaxweyne Farmaajo oo furay kalfadhigii labaad ee Aqalka Sare (SAWIRO)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa maanta furay kalfadhiga labaad ee golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Madaxwayne Farmaajo oo khudbad u jeediyey xildhibaanada Aqalka Sare ayaa ugu baaqay inay ka mari dhaliyaan himilooyinka shacabka ay wakiilka ka yihiin, islamarkaana ay kaalin mug leh ka qaataan dib u hanashada sharafta iyo qarannimada Soomaaliya.

Wuxuu madaxwayne Farmaajo tilmaamay howlaha adag ee horyaala golaha Aqalka Sare oo ay ka mid yihiin dib u eegista dastuurka, wadatashiga, u kuur gelidda xaaladaha siyaasadeed iyo dhaqan-dhaqaale ee dowlad goboleedyada, dejinta hannaan awood-qaybsi oo ka dhexeeya maamul goboleedyada iyo dowladda federaalka Soomaaliya; hannaankaas oo ku salaysan is-aaminaad iyo danta guud.

“Waxaa tihiin rajadii Soomaaliya ka saari lahayd jahwareerka siyaasadeed, waxaana la idinka fadhiyaa inaad dhidibada u aastaan dowladnimada, dalkana ka hirgelisaan dheelitir iyo xasillooni siyaasadeed, waa in labada Aqal ee Baarlamaanka ay ka wada shaqeeyaan sida danta qaranku ku jirto oo meel iska dhignaa danaha qofeed, kooxeed ama beeleed, waana inay ka odayeeyaan hannaanka dib u eegista dastuurka dalka” Sidaas waxaa yiri madaxweyne Farmaajo.

Dhinaca kale, madaxweyne Farmaajo ayaa kula dardaarmay xildhibaanada labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya inay xoojiyaan xiriirkooda, ayna adkeeyaan wadashaqeynta ka dhexeeysa labada gole; sida ku cad qodobka 56aad ee dastuurka KMG ee Soomaaliya.

error: Content is protected !!