Madaxweyne Farmaajo oo la filaayo inuu furo kalfadhiga labaad ee xildhibaanada Aqalka Sare

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa la filayaa in maanta uu furo kalafadhiga labaad ee xildhibaanada Aqalka Sare oo bilihii ugu dambeeyay fasax ku jiray.

Xildhibaanada Aqalka sare ayaa maalmaahn u diyaar garoobayay furitaanka kulankooda labaad, waxaana la filayaa in madaxweyne Maxamed C/laahi Faarmaajo uu xildhibaanada u jeediyo khudbad dhinacyo badan taabaneysa.

Ammaanka dhammaan wadooyinka soo gala xarunta Aqalka Sare ayaa aad loo adkeeyay, waxaana saakay la arkayaa ciidamo badan oo ka tirsan kuwa dowladda federaalka Soomaaliya oo waddooyinka qaar xiray, iyagoo u diidaya inay gaadiidka isticmaalaan.

Dhinaca kale, xildhibaanada Aqalka Sare ayaa sidoo kale la filayaa in kalfadhigaan su’aalo laga weeydiiyo magaalooyinkii ay tageen iyo waxyaabihii ay kusoo arkeen intii ay fasaxa ku maqnaayeen, si wax looga qabto, hadii ay jiraan dhibaayooyin wax ka qabasho u baahan.

error: Content is protected !!