Rakibaada qalabkii hawada Soomaaliya lagu maamuli lahaa oo bilaabatay (SAWIRO)

Waxaa haatan xarunta saadaasha iyo duullista hawada ee magaalada Muqdisho ka bilawday rakibaada qalabkii lagu maamuli lahaa hawada dalka Soomaaliya.

Qalabkaasi oo dhawaan lasoo gaarsiiyay dalka Soomaaliya ayaa la filayaa in rakibaadooda lasoo gaba-gabeeyo, waxaana markii lasoo gaba-gabeeyo ay dowladda Soomaaliya si rasmi ah ula wareegi doontaa maamulka hawadeeda.

Dowladda Soomaaliya ayaa qalabkaan ka caawin doonno maamulka hawadeeda iyo la socodka dhaq-dhaqaaqeed ee hawada.

Wasiirka gaadiidka cirka iyo dhulka ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Oomaar ayaa sheegay inay haatan bilaabatay rakibaada qalabka lagu maamulayo hawada dalka Soomaaliya, islamarkaana ay howsha meel fiican hadda mareeyso.

Si kastaba ha ahaatee, tan iyo markii uu dalka Soomaaliya ka qarxay dagaalkii sokeeye ee sanadkii 1991 waxaa maamulka hawada Soomaaliya la wareegay hay’addo hoos-yimaada Qaramada Midoobay oo ay ka mid tahay hay’adda ICAO.

error: Content is protected !!