Wafdi uu hoggaaminaayo madaxweyne Gaas oo kusoo wajahan magaalada Garoowe

Wafdi uu hoggaaminaayo madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa la filayaa in saacadaha soo socdo ay soo gaaraan magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

Madaxweyne Gaas iyo wafdigiisa oo dhawaan ka qeyb-galay shirkii madasha amniga Qaranka ee lagu soo gaba-gabeeyay magaalada Muqdisho ayaa saacadaha soo socdo la filaya inay soo gaaraan magaalada Garoowe.

Waxaa magaalada Garoowe haatan laga dareemayaa qaban qaabadii u dambeeysay ee ku aadan soo dhaweynta madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Gaas iyo wafdigiisa, waxaana aad loo adkeeyay ammaanka, iyadoo wadooyinka waaweyn ee magaaladaasi maanta lagu arkaayo ciidamo ka tirsan kuwa Puntland.

Madaxweyne C/weli Gaas ayaa markii uu soo gaaro magaalada Garoowe wuxuu faah faahin ka bixin doonnaa arrimo ay ka mid yihiin shirkii golaha amniga Qaranka ee uu uga qeyb-galay magaalada Muqdisho iyo dagaalka ay Puntland kula jirto dagaalyahanada Al-Shabaab iyo Daacish.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!