Wafdi uu hoggaaminaayo ra’iisul wasaare Kheyre oo ku wajahan magaalada Kismaayo

Wafdi uu hoggaaminaayo ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa la filayaa inay maanta gaaraan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose.

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa markii ugu horeeysay ka furmaya shir ay yeelanayaan golaha wasiirada ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, waxaana shirkaasi ka qeyb-galaya mas’uuliyiin kala duwan.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre iyo wafdigiisa ayaa ka mid ah mas’uuliyiinta shirkaasi ka qeyb-galaya, waxaana la filayaa in xilliyadda soo socdo ay u duulaan magaalada Kismaayo, iyagoona halkaasi uga qeyb-gali doonno shirka halkaasi ka furmaya.

Dhinaca kale, wafdi uu hoggaaminayo ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa isna la filayaa inay gaaraan magaalada Kismaayo, waxaana haatan magaaladaasi laga dareemayaa diyaar garoow aad u ballaaran oo lagu soo dhaweeynayo mas’uuliyiintaas.

Ammaanka magaalada Kismaayo ayaa maanta ah mid si weyn loo adkeeyay, waxaana waddooyinka magaaladaasi maanta lagu arkayaa ciidamo badan oo heegan buuxo la geliyay.

Xilliyada soo socdo ayaa la filayaa in dhammaan mas’uuliyiintaasi ay gaaraan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!