Wafdi uu hoggaaminayo ra’iisul wasaare Kheyre oo gaaray magaalada Kismaayo (SAWIRO)

Wafdi uu hoggaaminayo ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa gelinkii dambe ee maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose.

Ra’iisul wasaare Kheyre iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo kusoo dhaweeyey madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe), ku-xigeenadiisa, saraakiil sare sare iyo dadweyne aad u badan.

Ra’iisul wasaare Kheyre oo hadal kooban jeediyay ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay soo dhaweynta ballaaran oo isaga wafdigiisa loogu sameeyay magaalada Kismaayo, isagoona dhinaca kale tilmaamay in inta uu magaaladaasi ku sugan yahay uu la kulmi doono qeybaha kala duwan ee bulshada Kismaayo.

“Waxay booqashadani muujinaysaa midnimo iyo in dowladdu ay diyaar u tahay shacabkeedu inuu la xisaabtamo, waxaan magaalada Kismaayo ku qabaneynaa shirka golaha xukuumadda, taas oo muujinaysa sida ay nooga go’an tahay in hoos loo eego deegaanada iyo maamul goboleedyada dalka” Sidaas waxaa yiri ra’iisul wasaare Kheyre

Dhinaca kale, ra’iisul wasaare Kheyre ayaa sheegay in xukuumadda uu isaga hoggaaminaayo ay mudnaan gaar ah siinayso in xukunku uu gaaro meelaha ka durugsan caasimaha, isla mar ahaantaana xilligaan la joogo waqtigii si wadajir loogu wajihi lahaa ka shaqeeynta danta guud, islamarkaana ay dowladdu tahay shaqaale ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntii, ra’iisul wasaare Kheyre iyo wafdigiisa ayaa inta ay ku sugan yihiin magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose, waxay halkaasi kulamo gaar gaar ah kula yeelan doonaan wasaaradaha ay shaqo wadaagta yihiin iyo sidoo kale mas’uuliyiinta kale ee maamulka Jubbaland.

error: Content is protected !!