Ciidamada Jabuuti oo dhibaatooyin ku haaya shacabka ku nool degmada Jalalaqsi

Wararka naga soo gaaraya degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dadka shacabka ah ee halkaasi ku dhaqan ay qaati billaahi ka taagan yihiin ciidamada Jabuuti oo ka midka ah kuwa AMISOM ee ku sugan gudaha degmadaas.

Qaar ka mid ah dadka ku nool degmada Jalalaqsi oo warbaahinta Bulshoweyn la hadlay ayaa sheegay inay cabasho aad u weyn ka qabaan ciidamadaasi Jabuuti, oo dhibaatooyin iyo xad-gudub ku haaya dadka deegaanka.

Dadkaasi ayaa sheegay in ciidamadaasi Jabuuti ay maalin kahor si bareer ah u dileen in ka badan 10 qof oo ay sheegeen inay ka mid ahaayeen dadka deegaanka.

Sidoo kale, waxay dadkaasi sheegeen inaysan aheyn dad diidan nabadda, islamarkaana ciidamada Jabuuti xilligii ay degmadaasi Jalalaqsi soo galayeen ay ahaayeen kuwo u sacab tumaayay, balse haatan ay xumaan ugu badeleen.

Ugu dambeyn, dadkaasi ayaa ugu baaqay madaxda sare ee dowladda federaalka Soomaaliya inay wax ka qabtaan arrintaas oo dhowr mar soo laa-laabatay.

Ma ahan markii ugu horeeysay oo ciidamada Jabuuti ay dil iyo dhibaatooyin kala duwan ka geystaan gudaha Soomaaliya, gaar ahaan deegaanada ku yaalla gobolka Hiiraan, mana jirto cid dowladda ka tirsan oo arrinkaasi wax ka qabatay.

error: Content is protected !!