Koox hubeysan oo afduubtay saraakiil iyo dad shacab ah oo Kenya u dhashay

Koox hubeysan oo loo maleeynayo inay ka tirsan yihiin dagaalyahanadda Al-shabaab ayaa inta u dhaxeeyso deegaanada Lamu iyo Mpeketoni ka afduubtay saraakiil sare oo ka tirsan dowladda Kenya iyo dad shacab ah.

Dadkaasi ayaa la sheegayaa in xilligii la afduubanayay ay saarnaayeen baabuur, waxayna kusii jeedeen deegaanka Lamu, sida ay baahiyeen warbaahinta Kenya.

Weerarkaan ayaa kusoo beegmaya xilli ciidamada Kenya ay howlgalo ballaaran ka wadaan deegaanka Lamu iyo kuwa kale ee ku dhow.

Howlgaladaasi ayaa ah mid deegaanadaasi looga sifeeynayo dagaalyahanadda Al-shabaab.

Dagaalyahanadda Al-shabaab ayaa kordhiyay weerarada ay ka geystaan gudaha dalka Kenya, wuxuuna weerarkii xalay kusoo beegmayaa xilli ay Kenya ku jirto ololaha doorashada ee dalkaas.

error: Content is protected !!