Ra’iisul wasaare Kheyre oo la dar-daarmay shacabka Soomaaliyeed ee Jubbaland (SAWIRO)

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa ka qeyb galay isku-imaatin ballaaran oo lagu soo dhaweeynayo wafdiga xukuumadda ee ku sugan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose.

Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa munaasabadda kahor dhagax dhigay labo xarumood oo ku shaqeyn doonaan wasaaradaha, beeraha, kaluumeysiga iyo xanaanada xoolaha iyo xarun loogu tagalay in dhalinyaradu ay ku kulmaan.

Munaasabaddaan oo ka dhacday hoolka shirarka ee Daawad ayaa waxaa kasoo qeyb galay boqolaal dadweyne isaga kala yimid xaafadaha magaalada Kismaayo, waxaana uu ra’iisul wasaaruhu ka hadlay arrimo muhiim oo ka mid yihiin midnimada iyo wadajirka dadka Soomaaliyeed.

Qaar kamid ururada bulshada Kismaayo, sida odayaasha, haweenka iyo dhalinyarada oo munaasabadda hadalo qiimo badan ka jeediyay ayaa soo dhaweeyey in shirka golaha xukuumadda lagu qabto Kismaayo markii ugu horeysay, waxaana ay bogaadiyeen dadaalada xukuumadda ee ku aadan in xukunka hoos loo daadajiyo, lana xoojiyo shaqada hay’adaha federaalka iyo kuwa gobollada.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa sheegay in deegaano badan oo kamid ah Jubbooyinka ay weli gacanta ugu jiraan argagixisada, isla markaana loo baahan yahay in dadka Soomaaliyeed ee mudada badan ay cadowgu dhibaatada ku hayeen loo gurmado, lagana kor qaado cadowga, wuxuna ka codsaday dowladda federaalka inay gacan ku siiso xoreynta dhulkaas.

Dhinaca kale, ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa u jeediyey boqolaalkii dadweyne ee ka soo qeyb galay munaasabadda ayaa tilmaamay inay madasha ka muuqato midnimo iyo isku duubnida dadka Soomaaliyeed ee degan Jubbaland, wuxuuna hoosta ka xariiqay dowladda dhexe iyo maamulada dalka inay ku mideysan yihiin ka shaqeynta danta guud, kuligoodna u taliyo shacabka Soomaaliyeed iyo rabitaankooda.

Wuxuu ra’iisul wasaare Kheyre sheegay in xukuumad ku eg magaalada Muqdisho aysan ka shaqeyn karin dan guud, waxa kaliya ee maamulka lagu gaarsiin karo dadka oo dhana ay tahay in qof walba oo Soomaaliyeed deegaankiisa loogu gaarsiiyo dowladnimada dareemana inuu hoggaanka dalkiisu ka shaqeeynayo waxa isaga dantiisa ah.

Ugu dambeyn, ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in wada-shaqeynta iyo wadajirka ka dhexeeya dawladda dhexe iyo maamullada dalka uu marayo heerkii ugu wanaagsanaa, waxa kaliya ee laga shaqeynaya ay tahay danta guud iyo Soomaaliya sidii loo gaarsiin lahaa isku filnaasho ay kula tar-tami karto caalamka intiisa kale.

DHAMMAAD

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Somalia
media@opm.gov.so
Ahmednur@opm.gov.so
Twitter: @SomaliPM

error: Content is protected !!