XOG:- Madaxweyne Farmaajo oo maalmaha soo socdo ku wajahan deegaanada Puntland

Wafdi uu hoggaaminaayo madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socdo ay safar ku tagaan deegaanada maamulka Puntland.

Wafdiga madaxweynaha ayaa waxaa ku jiri doonna wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya, iyadoo ammaanka guud ee deegaanada Puntland si weyn loo adkeeyay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa markii uu gaaro deegaanada Puntland waxa uu la kulmi doonnaa madaxda maamulka Puntland, isagoona sidoo kale soo indho-indheyn doonna horumarka ay Puntland ku tallaabsatay 18-kii sano oo uu maamulkaasi dhisnaa.

Dhinaca kale, madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa magacaabay guddi loo xilsaaray soo dhaweeynta wafdiga madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa markii ay soo gaaraan deegaanada Puntland waxay booqan doonnaan xarumaha maamulka Puntland, wuxuuna safarkiisa noqonayaa kii ugu horeeyay uu halkaasi ku tagi doonno tan iyo markii xilka loo doortay 8-da bishii Febraayo ee sanadkaan.

error: Content is protected !!