Dood ka taagan miisaanyadda dowladda iyo lacagaha loo kala qoondeeyay maamulada dalka

Xildhibaanada baarlamaanka federaalka ayaa maanta bilaabay ka doodista miisaaniyadda dowladda Soomaaliya ee lixda bilood soo socoto.

Qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku doodaya in cadaalad darro weyn ay ka jirto lacago loo qoondeeyay horumarinta maamul goboleedyada dalka oo farqi weyn u dhaxeeyo, waxaana wararku sheegayaan in dood kulul arrintaasi ka imaan doonto.

Lacagaha loo qoondeeyay maamulada dalka ayaa waxaa ugu badan maamulka Puntland, oo afar laab ka badan tan Koonfur Galbeed iyo Galmudug, halka Hirshabeele ay ugu kharash yar tahay.

HOOS KA AKHRISO LACAGAHA LOO QOONDEEYAY MAAMULADA DALKA

  • Puntland $ 4,675,000
  • Jubbaland $ 2,695,000
  • Galmudug $ 1,425,000
  • Koonfur Galbeed $ 1,425,000
  • Hirshabeele $ 750,000
  • Gobolka Banaadir $ 7,000,000

Xildhibaanno badan oo haatan is-qoray ayaa doonaya inay faah-faahin ka helaan wasaaradda maaliyadda ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, sida ay arrintaan ku dhacday, iyadoo qaarkood ay sheegeen inay tahay cadaalada darro baahsan.

Dhinaca kale, muran ka taagan rugta ganacsiga ayaa ka mid ah arrimaha ugu weyn ee haatan caddeynta u baahan, iyadoo rugtaasi ay lacago badan ku leedahay miisaaniyadda dowladda Soomaaliya.

error: Content is protected !!