Dowladda Turkiga oo shaacisay xilliga ay saldhiga militeri ka furanayaan Muqdisho

Dowladda Turkiga ayaa shaaca ka qaaday in haatan lasoo gaba-gabeeyay dhismaha saldhiga militeri oo laga dhisay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.

Qorshaha saldhigaan oo markii hore ahaa in la furo bisha Janaayo ee sanadkaan 2017-ka ayaa waxaa ku yimid dib u dhac, iyadoo haatan la shaaciyay in si rasmi ah loo furi doono Bisha September.

Safiirka dalka Turkiga u fadhiya dalka Soomaaliya Olgan Baker oo maalintii shalay saxaafada kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in bisha August ee sanadkaan la keeni doono tababarayaal militari oo Turki ah.

Sidoo kale, saldhiga ayuu sheegay in si rasmi ah loo furi doonno bisha September ee sanadkan.

Madax sare oo ka tirsan dowladda Turkiga ayaa lagu wadaa inay xariga ka jaraan saldhigaan cusub oo la sheegay in lagu tababarri doono ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya.

error: Content is protected !!