C/raxmaan Xoosh Jibriil oo ka warbixiyay waxyaabihii ay kusoo arkeen magaalada Cadaado

Wasiirka arrimaha dastuurka ee xukuumadda federaalka Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa ka warbixiyay safarkii wafdi uu hogaaminayay ay ku tageen magaalada Cadaado ee caasimadda KMG ah ee dowlad goboleedka Galmudug.

Wasiir C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa sheegay in isaga iyo wafdigiisa ay kullan ay la yeesheen ku-simaha madaxweynaha maamulka Galmudug , wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan Galmudug.

“Shirarkii aan ku galnay Cadaado waxaa ugu horeeyay mid aynu la yeelanay ku-simaha madaxweynaha Galmudg iyo xubno katirsan labada gole ee Galmudug, waxa ay ina la wadaageen tallooyinkoodii ku aadanaa qorshaha guud ee aan diyaarineyno si geedi-socodka dib-u-eegista dastuurka uu ugu soo dhamaado guul” Ayuu yiri AVV C/raxmaan Xoosh Jibriil.

Dhanka kale, wasiirka ayaa ka hadlay kulan kale oo muhiim ahaa oo ay wasaaradda u qabatay ururada bulshada rayidka ee Galmudug.

“Waxaa kaloo jiray shir muhiim inoo ahaa oo aanu la yeelanay bulshada rayidka ee Galmudug, iyaga oo tallooyin wax ku ool ahaa ka bixiyay qorshaha guud; waxa uu inoo ahaa kulan kale oo inagu dhiirageliyay in aanu shacabkeena marwalba tallooyinkooda ku shaqeeyno tasoo ka dhigan in safarkeenii uu ku soo dhamaaday guul” Ayuu yiri wasiir C/raxmaan Xoosh Jibriil.

Wafdiga wasiirka arrimaha dastuurka ee xukuumadda federaalka Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa sidoo kale booqday xarunta wasaaradda arrimaha dastuurka iyo dib u heshiisiinta maamulka Galmudug, iyagoo kullan la qaatay wasiirka Galmudug Mudane Cismaan Maxamed Cali iyo qaar kamid ahaa shaqaalaha wasaaradda dastuurka ee Galmudug, waxa ayna labada dhinac ku ballameen in wadashaqeyn joogta ah la yeesho.

Ugu dambeyn, wasiir C/raxmaan Xoosh iyo wafdigiisa ayaa dib ugu soo laabtay caasimadda dalka ee Muqdisho iyaga oo maalmaha soo socda u ambabixi doona caasimadaha kale ee dawlad goboledyada dalka, si loo gaarsiiyo kulamada wadatashiga ah.

error: Content is protected !!