Xildhibaan C/rashiid Xidig oo si kulul uga hadlay amniga dalka iyo mushaaraadka ciidanka dowladda (DHAGEYSO)

Xildhibaan C/rashiid Maxamed Xidig oo ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa si kulul uga hadlay arrimaha amniga dalka, isagoo su’aal ka keenay mushaaraadka la siiyo ciidamada dalka ee amniga dalka illaalinaya.

Xildhibaan Xidig oo ka hadlayay dood ka taagan miisaaniyadda dowladda federaalka Soomaaliya ayuu ku baaqay in la kordhiyo mushaaraadka ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, hadii la doonayo in nabadgelyo lasoo celiyo.

“Waddankeena mudnaanta koowaad, labaad iyo seddaxaad waa amniga, hadane amniga annaga ayaa indhaha ka tuureyna oo ma rabno inuu haggaago, yaa amniga illaaliya madaxweyne miyaa illaaliya, wasiir miyaa illaaliya, xildhibaan miyaa illaaliya, aggaasime miyaa illaaliya? maya ma illaaliyo ee ciidamo ayaa illaaliya, maxaynu ciidamadeenu u xaqiraynaa, waa kuma qofka maanta Somaliyed ee Soomaaliya jooga ee $100 doollar isaga iyo xaaskiisa ku noolaan karo, maxaynu u oranaynaa ciidamada ayaan muhiimada siinaynaa, shaqaalaha rayidka ah qofka (A) wuxuu qaataa $1,000 doolar iyo ka badan, (B) wuxuu qaataa $700 boqol iyo ka badan, (C) wuxuu qaataa $400 boqol iyo ka badan, waxayna ku jiraan mukeyf, kobashiino ayay cabaan, gaari ayaa u yaal, askariga furinta joogana waxaa la leeyahay $100 doollar ha qaato, ma suuragaleyso, hadii ay dhab tahay in amniga dalka aan ka hadalno oo ciidamada ay shaqeeyaan, boolis, nabad suggida asluubta inuu la mid noqdo ugu yaraan qof (C) oo lacag dhan $500 boqol oo doollar waa inuu qaataa oo aynu siinno” Sidaas waxaa yiri xildhibaan Xidig oo ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee, hadalkaan kasoo yeeray xildhibaan C/rashiid Maxamed Xidig ayaa imaanaya xilli la sheegay in mushaaradka la siiyo ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ay yihiin mid aad uga yar tan shaqaalaha kale ee dowladda, waxayna taasi keeneysaa in amniga dalka uu faraha kasii baxo.

error: Content is protected !!