Adeegii Internetka bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya oo dib usoo laabtay

Waxaa maanta oo Isniin ah dib usoo laabtay adeegii Internetka Fiber Optic oo muddo 23 maalmood ah ka go’naa Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.

Wasaaradda boostada iyo isgaarsiinta ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta shaacisay in Internetka lagu guuleystay oo dib loo soo celiyo, kadib markii muddo seddax maalmood ah markab iyo injineero loo soo diray dib isku xirada xargaha Fiber Optic ay arrinkaasi ku guuleysteen.

Dhinaca kale, dadka ku nool magaalada Muqdisho iyo bartamaha dalka Soomaaliya ayaa maanta billaabay inay maanta iska wacaan teleefanada, iyagoo isku wargelinaya iskuguna hambalyeynaya soo laabashada inernetka oo beryahaan dambe si weyn loo soo sugaayay.

Si kastaba ha ahaatee, adeega Internetka Fiber Optic ayaa go’ay habeenkii ay soo galeeysay Ciidul Fitriga oo ay kasoo wareegatay muddo 23 maalmood ah, kadib markii markab ganacsi ah oo laga leeyahay dalka Masar uu jaray cable-kii Badda ee Internetka soo gaarsiinayay xeebta Muqdisho iyo bartamaha Soomaaliya.

error: Content is protected !!