Ciidamo badan oo lasoo dhoobay xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya

Wararka naga soo gaaraya xuduuda ay wadaagaan dalalka Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxay sheegayaan in halkaasi lasoo dhoobay ciidamo badan oo ka tirsan kuwa Kenya, kuwaas oo la sheegayo inay howlgallo baaritaano ah halkaasi ka wadaan.

Howlgaladaan oo ahaa mid ay dowladda Kenya hore u qorsheeysay ayaa waxay saraakiisha ciidamada Kenya sheegeen inay kusoo qabteen tiro dhalinyaro ah, kuwaas oo ay uga shakisan yihiin inay xiriir la leeyihiin dagaalyahanada Al-shabaab.

Sidoo kale, saraakiishaasi ayaa sheegay in howlgalkaan uu yahay mid lagu xaqiijinayo amniga guud ee gobolka waqooyi Bari Kenya, islamarkaana looga hortagayo weeraro kale oo ay deegamaadaasi ka geystaan Al-shabaab.

Dhinaca kale, ciidamada Kenya ayaa la sheegayaa in sidoo kale ay maanta baarayaan gaadiidka waaweyn ee dadka ka qaada degmooyin ka tirsan gobolka Gedo, gaar ahaan degmada B/xaawo, halkaas oo dhowr mar hore ay dagaalyahanada Al-shabaab weeraro ka geysteen.

error: Content is protected !!