Dhismaha jidka Soddonka qeybteeda degmada Hodon oo la soo gaba-gabeeyay (SAWIRO)

Waxaa dhawaan lasoo gaba-gabeeyay dhismaha qeybta koowaad ee jidka Soddonka, gaar ahaan qeybta ku aadan degmada Hodon ee magaalada Muqdisho.

Aggaasime ku-xigeenka howlaha guud ee maamulka gobolka Banaadir Aadan Sheekh Cali Fiidow oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay maamulka degmada Hodon ku wareejiyeen qeybta ay dhiseen, loogana baahan yahay inay illaaliyaan nadaafadiisa iyo bed-qabkiisa.

Guddoomiyaha degmada Hodon Maxamed Axmed Cantoobo ayaa isna dhinaciisa sheegay inay ka shaqeyn doonaan nadaafadda laamiga cusub, islamarkaana qorshaha ay ug jirto inay bilaabaan inay dhireyn ku bilaabi doonaan.

Dhinaca kale, waxaa weli socdo dhismaha guud ee wadada Soddonka ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ah waddo aad muhiim ugu ah marinka dadka shacabka ah ee isaga kala goosha qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

error: Content is protected !!