Dowladda oo baaq kasoo saartay mustaqbalka dambe ee adeega Internetka (DHAGEYSO)

Kadib markii uu maanta dib usoo laabtay adeegii Internetka Fiber Optic oo ku dhawaad muddo 23 maalmood ka maqnaa bartamaha iyo koonfurta dalka Soomaaliya ayaa wasiirka boostada iyo isgaarsiinta ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Injineer Cabdi Canshuur Xasan wuxuu baaq deg deg ah u kala diray madaxda shirkadaha keena qadka Internetka iyo xildhibaanada baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Wasiirka ayaa marka hore ugu baaqay xildhibaanada baarlamaanka federaalka Soomaaliya inay ansixiyaan xeerka isgaarsiinta dalka, isagoona dhinaca kale ugu baaqay madaxda shirkadaha keena qadka Internetka inay sameeyaan qorsho ay uga hortagayaan in markii markab uu jaro fiilada Internet-ka ama in hadii ay timaado cilad farsamo in lahelo keyd kale oo aanay xayirmeynin adeegii Internetka.

“Waxaa ugu baaqeynaa xildhibaanada baarlamaanka inay ansixiyaan xeerka isgaarsiinta dalka, taas oo sahlaysa in shirkadaha Internetka ay dalka ka sameeyaan qaab xariga looga illaalinayo maraakiibta kusoo xiraneysa dekedda, taasoo u baahan in shirkadaha Internetka ay isla qorsheeyaan sidii looga bad baadi lahaa in markale uu go’o xarigaas” Sidaasi waxaa yiri Wasiir Cabdi Canshuur Xasan.

Dhinaca kale, wasiir Canshuur ayaa sheegay in wasaaradu ay iminka gacanta ku heyso qorsho qaran oo ay qeyb ka noqon doonaan dhamaan shirkadaha isgaarsiinta dalka, kaas oo damaanad qaadi kara in la helo isgaarsiin tayo leh.

Ugu dambeyntii, wasiirka ayaa sheegay inay haatan weli jirto fursad ay ganacsatada Soomaaliyeed uga faa’iideysan karaan inay dalkooda keensadaan qad wanaagsan oo ay ku maal-gashaan karaan xarko kale oo dhanka Internet-ka ah.

“Ganacsatada waxaa ugu baaqeynaa inay keenaan xargo kale oo Fibre Optic ah, dalka waxaa ka jira fursado lagu maal-gashan karo” Ayuu hadalkiisa raaciyay wasiirka boostada iyo isgaarsiinta ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdi Canshuur Xasan.

error: Content is protected !!