Xildhibaano ka tirsan BF Soomaaliya oo dacwad lagu soo oogay (AKHRISO)

Xeer illaaliyaha guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir ayaa ku baaqay in la qabto doorashada 8 kursi oo maxkamadda sare ay sharci darro ka dhigtay, kuwaas oo xildhibaano kusoo baxay ay ku fadhiyaan.

Maxkamadda sare ee Soomaaliya ayaa go’aankaan soo saartay 16-ka May 2017, xilli ay xildhibaanadaasi doorteen madaxweynaha iyo guddoonka baarlamaanka, kana qeyb galeen kalfadhigii koowaad.

Kuraastan oo dacwad hore uga taagneyd ayna ansixisay madashii Qaranka ayaa saameyneysa 8 xildhibaan oo kala ah:-

1- Muna Khalif Sheekh Abu (Muna Kay)

2- Maxamed Axmed Abdtidoon

3- Cabdullahi Maxamed Aadan Shaacir

4- Maxamed Saciid Cabdullahi

5- Nadif Aadan Isaaq

6- Cabdicasis Salax Carmaan

7- Sharmarke Garaad Saleebaan Buraale

8- Samra Ibrahim Cumar

Dhinaca kale, Xeer illaalinta dowladda federaalka Soomaaliya ayaa olole ugu jirta in xildhibaanada kuraastooda la laalay laga saaro baarlamaanka federaalka, islamarkaana kuraastaasi doorasho cusub loo galo.

error: Content is protected !!