XOG:- Khilaaf soo kala dhex galay wasiirka gaashaandhiga iyo taliyaha ciidamada xoogga dalka

Khilaaf baahsan oo ku saabsan maamulka mushaarka ciidamada qalabka sida ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa la sheegayaa inuu haatan ka dhex taagan yahay wasaaaradda gaashaandhigga ee XFS iyo taliska ciidamada Soomaaliya.

Khilaafkaan ayaa salka ku haya kadib markii wasiirka gaashaandhigga ee xukuumadda federaalka Soomaaliya C/rashiid C/laahi Maxamed uu dalbaday in la hoos keeno maamulka mushaarka ciidamada iyo arrimaha saadka.

Taliyaha ciidamada xoogga dalka Jeneraal Axmed Maxamed Jimcaale ayaa la sheegay inuu ka biyo diiday arrintaasi, isagoo u sheegay wasiirka inuu mas’uuliyadiisa ku ekaado, islamarkaana aanu faragelin arrimaha hoggaanada ciidamada.

Khilaafka labada dhinac ayaa sababay in mushaarkii ciidamada militeriga la bixin waayo bilooyinkii ugu dambeeyay, waxaana arrintaan soo dhex galay ra’iisul wasaaraha oo la sheegay inuu wasiirka taageerayo.

Mushaarka ciidamada militeriga Soomaaliya ayaa qaarkood waxaa bixiya dowladda Mareykanka, halka qaarka u diiwaan-gashan dowladda federaalka uu muran badan ka taagan yahay tiradooda, ayna dhacdo in lacago badan lagu leexsado.

error: Content is protected !!