Diyaarado dagaal oo duqeymo culus ka geystay deegaano ku yaalla gobolka J/hoose

Diyaarado dagaal oo loo maleeynayo inay leeyihiin dowladda Kenya ayaa xalay duqeyn xoogan ka geystay deegaanada Qabri Shariif iyo Goof oo qiyaastii 65-km dhinaca galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose.

Goobaha ay diyaaradahaasi duqeeyeen ayaa la sheegayaa inay ahaayeen goobo ay ku sugnaayeen dad xoolo dhaqato ah, inkastoo xarumaha ay Al-shabaab kaga sugan yihiin deegaanadaasi ay u dhawaayeen.

Illaa 4 qof ayaa la xaqiijiyay inay ku geeriyootay duqeymahaasi, halka 6 kalena ay ku dhaawacantay, sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Dadka ku waxyeeloobay duqeymahaasi ayaa kala ahaa laba qoys, waxaana sidoo kale duqeymahaasi ku dhamaaday xoolo farabadan oo ay lahaayeen dadkaasi xoolo dhaqatada ah.

Duqeymahaasi ayaa bilawday inta u dhaxeeysay 7:30 illaa 9:00 fiidnimo, waxaana la sheegayaa in xaaladda deegaanada la duqeeyay ay haatan tahay mid degan.

error: Content is protected !!