Cali Gaab “AMISOM sharciga kama weyna, waa lagula xisaabtami doonnaa shilalka ay geystaan”

Taliyaha ciidamada taraafikadda ee illaalada ee wadooyinka magaalada Muqdisho Jeneraal Cali Xirsi oo loo yaqaano Cali Gaab ayaa markii ugu horeeysay ka hadlay heerka uu gaarsiisan yahay dhibaatada ka dhalata shilalka ay xilliyadda qaar geystaan gaadiidka AMISOM iyo sida ay arrintaasi ku xalliyaan.

Taliye Cali Gaab oo wareeysi siiyay mid ka mid ah idaacadaha magaalada Muqdisho ayaa sheegay in muddo 4 sano gudahood ay gaadiidka AMISOM geysteen shan boqol oo shil, kuwaas oo qaarkood dad ay ku dhinteen.

Wuxuu Taliye Cali Gaab sidoo kale sheegay inay weli jiraan dad badan oo aan wali helin wax magdhow ah, kadib markii ay waxyeelo kasoo gaartay shilalka ay gaadiidka AMISOM u geysteen.

“Anigu malihi ciidamada AMISOM way wanaagsan yihiin, si fiican ayay wax u maamuleen, laga soo bilaabo 2011-ka illaa 2015, Illaa shan boqol oo shil ah ayay gaadiidkooda galeen, aniga ayaa diiwaan geliyay, inta badan shilalkaasi waa ay diideen, weyna ka carareen, waxaana shilalkaasi ugu weynaa ninkii taksiilihii ahaa oo Hoteelkii Ambasador horteeda ay si sharci darro ah ugu jiireen ayna ka carareen, balse aan ku qabanay agagaarka Xamar Bile, kuwaas oo sidii loo baahnaa aan wax u bixin” Sidaasi waxaa yiri Taliye Cali Gaab.

Taliye Cali Gaab ayaa sheegay AMISOM inaysan wax magdhow ah ka bixin shilka mootadii ay dhibka u geysteen, balse isaga iyo gudoomiyaha degmada Hodan ay bixiyeen lacagtii lagu qiimeeyay khasaaraha dhashay.

“Shilkii ka dhacay wadada Taleex oo ay geysteen gaadiidka AMISOM, khasaarihii ka dhashay aniga iyo guddoomiyaha degmada Hodan ayaa qeybsaday, kadib markii in badan laga wada dooday” Ayuu hadalkiisa intaas sii raaciyay Taliye Cali Gaab.

Ugu dambeyntii, Taliye Cali gaab ayaa sheegay in AMISOM aysan sharciga dalka ka weyneyn isla-markaana lagula xisaabtami doono khasaaraha ka dhasha shilalka ay geystaan, isagoo dhinaca kalena dadka ka codsaday inaysan siyaasadeynin shilalka ay AMISOM geystaan.

“AMISOM sharciga kama weyna, waa lagula xisaabtami doonnaa shilalka ay geystaan, waxaa jira shilal badan oo ay geysteen gaadiidka AMISOM, kuwaas oo sababay dhimashada iyo dhaawaca dad shacab ah, dhamaan shilalkaasi waa mid mustaqbalka lagula xisaabtami doonno AMISOM” Ayuu Taliye Cali Gaab hadalkiisa kusoo gaba-gabeeyay.

error: Content is protected !!