Dalal ay Soomaaliya ka mid tahay oo la sheegay inay xaalad qatar ah ku sugan yihiin

War-saxaafadeed ay si wadajir ah usoo saareen golaha arrimaha dibadda ee Midowga Yurub ayaa lagu sheegay in ku dhawaad 20 milyan oo qaxooti ah oo ku nool dalal ay ka mid yihiin Soomaaliya, Yemen, Waqooyiga Bari ee Nigeria iyo Koonfurta Sudan ay ku sugan yihiin xaalad qatar oo dhinaca nolosha ah.

Xubnahaasi oo kullan ku yeeshay magaalada Brussels ee caasimadda dalka Biljamka ayaa waxay sheegeen inay taageero siiyeen in badan 2 milyan oo qof, kuwaas oo la gaarsiiyay dhaqaalo wax looga qabanaayay dhinaca arrimaha bani’aadanimada ee heysta dalalka kor lagu soo xusay.

Waxay xubnahaasi ugu baaqeen dalalka caalamka in sida ugu dhaqsiyaha badan ay uga qeyb qaataan xal u helida dadka dhibaatooyinka kala duwan ku heysta dalalkaasi kor ku xusan.

Ugu dambeyn, dalalkaasi ayaa loogu baaqay inay sii wadaan taageerada maaliyadeed oo ay haatan siiyaan dadka dhibaatada ku haysata dalalkaas iyo inay xoojiyaan cadaadiska la saarayo dadka khilaafyada ay ka dhaxeeyaan, si loo gaaro xal kama dambeys ah.

error: Content is protected !!